Ciidamo Isku Rasaaseeyay B/Weyne

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya iney isku rasaaseeyeen magalaada dhexdeeda Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay iyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Xaalad kacsan aan ah saakay ay ka taagan tahay kadib markii  Israsaaseynta timid markii Guddoomiyaha Cusub ee Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu saakay galay mid kamid ah Xafiisyada uu ku shaqeeyo Maamulka Gobolka kuna yaalla meel aan sidaas uga fogeyn Hoyga uu degan yahay Cali Muxumed Caraale, sidaasina ay rasaasta ku bilaabatay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya  inay maqlayeen rasaas daqiiqado socotay oo ay isdhaafsanayeen labada Ciidan, walow markii dambe ay istaagtay, waxaa la sheegayaa in Khasaaro u badan dhaawac kala gaaray dadkii daagalay uu  ka dhashay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisad maanta ay ka taagan tahay agagaarka Xarunta uu ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas isku hor fadhiya Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Cali Caraale iyo Guddoomiyaha Cusub ee Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan la magacaabay.

Dhanka kale saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaalo lagu xaliyo Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay xilka qaadista Cali Caraale, hayeeshee waa ay fashilmeen, waxaana weli Caraale uu sheegayaa inuu yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

26420cookie-checkCiidamo Isku Rasaaseeyay B/Weyne