Ciidamo Kenyan Ah Oo Dil & Dhaawacyo Qarax Loogu Geystay

Somalia news

Wadada isku xirta Mandheera-Ceelwaaq Kenya ayaa noqotay meesha ugu halista badan marista, iyadoo bishaan gudaheeda kaliyah kooxo hubeysan ay ka fuliyeen 7-dhabo-gal, kuwaasoo dhimasho, Dhaawac, Burbur isgaarsiineed iyo dhismayaal ku burburiyeen…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Galab dhicii Maalintii Arbacadii 27-kii January 2021, lagu dilay Askari Ciidamada Kenya ka tirsan waxaana lagu Dhaawacay 2-kale kadib markii Miino haleeshay gadiidkii ay la socdeen, wuxuuna ka dhacay agagaarka Degaanka Cumar Jillow oo u dhaxeysa Mandheera iyo Ceel-waaq.

Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa Wadadaan laga soo bilaabo sanadkii 2015-kii waxey ku guuleysan waayeen iney hantaan wadada, waxaana Dadka Degaanka ay sheegeen iney maamulaan Kooxda argagixisada Shababka, inkastoo Ciidamo aad u tiro badan la geeyay Degaanadaasi.

Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ayaa burburiyo dhamaan anteenooyikii Isgaarsiineed ee Shirkadda Safaricom Kenya gaar ahaan Degaanada ku xeeran xuduuda Somalia iyo Kenya, waxeyna adeegsadaan inta badan Miinooyin.

90450cookie-checkCiidamo Kenyan Ah Oo Dil & Dhaawacyo Qarax Loogu Geystay