Colaada & Dhiiga lagu Daadinaayo Gobolka Amxaarada Ethiopia oo Digniino laga soo saaray..

Africa News Security

Dalka Ethiopia oo xarun u ah Ururka Midowga Afrika, ayaa waxaa sanooyin badan ka jiray Colaado sokeeye oo dhiig badan ku daatay iyo burbur baahsan una dhaxeeyay Maleeshiyaadka qaar ka mid ah Qowmiyadaha iyo Ciidamada Dowladda Federaalka…

Warbixin la helay ayaa xaqiijinaaya in dhawaan ay dhaceen howlgallo Ciidan, weeraro ay fuliyeen kooxaha hubeysan ee Mucaaradka Degaanada Amxaarada, duqeymo dhanka cirka ah oo loo gaystay Tuulooyin, Dad Rayid ah oo bareer ah loo gowracay, kuwa la afduubtay iyo dhacdooyin kale oo naxdin leh, sida laga soo xigtay Kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha.

Magaalada Gojam ee Ismaamulka Amxaarada ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopia ay ku weerareen Diyaaradaha Drones-ka bishii tagtay, iyadoo lagu beegsaday Suuq magaalada ku yaal iyo xarun Caafimaad ee Hooyooyinka Uurka leh lagu xanaaneeyo, waxaana Duqeyntaasi ku geeriyoodeen in ka badan 40-Qof, waxaana weerarkaasi lagu sifeeyay isir sifeyn.

Dhacdadaan iyo kuwo badan oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ayaa hoosta ka xariiqday in dagaalada ka socday Gobolka uu u muuqdo mid Maamulka Abiy uu ku doonaayo inuu ku caburiyo Xoogaga Hubeysan ee Fano oo Degaanka ka soo jeeda, baaqyo badan oo loo diray Mas’uuliyiinta Dalkaasi ayaa noqdo kuwo aan hakin dhiiga la daadinaayo.

352470cookie-checkColaada & Dhiiga lagu Daadinaayo Gobolka Amxaarada Ethiopia oo Digniino laga soo saaray..