Xiriirka Somalia & Midowga Africa Oo Shaki Soo Kala Dhex Galay

Africa News Somalia news

Xiliyadii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay khilaaf xoogan iyo kala shaki soo dhex galay xiriirka Midowga Africa iyo Dowladda Federaalka, iyadoo uu tuhunkaan uu soo xoogeystay markii ay AU-da Warbixin u gudbiyeen Golaha Amaanka ee QM…

Maamulka Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa ku eedeeyay Ergo ka socota AU-da oo Warbixino ka diyaarisay Xaalada Amaan, Siyaaso, Doorasho, Dagaalka Kooxaha argagixisada iyo wada shaqeyn la’aanta Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Warbixinta ayaa tooshka ku ifisay in muddo bilooyin ah uusan jirin wada shaqeyn ka dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa (Amisom), waxaana la sheegay in xiriirkaan xumaaday uu gaaray in xitaa ay ka soo baxaan Ciidamada Amisom Fariisimo lagu wareejin lahaa kadib markii ay Taliska Xooga Dalka ay ka cagajiideen iney ciidamo u diyaariyaan fariisinkaasi.

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Farmaajo uu ka biyo diiday 4-ta qodob oo talo ahaan ay Sii jeediyeen Guddiga Xaqiiqo raadinta AU-da loona gudbiyay Golaha Amaanka, waxaana ka mid ahaa:-

-In AU-da & UN-ka iska kaashadaan Howlgalada

-In Dib u habeyn lagu sameeyo Ciidamada AU-da Ee xiligaan ka howlgala Somalia.

-In Somalia la geeyo Ciidamada Heeganka Ee Dalalka Bariga Africa

-In Ciidamada Amisom ka baxaan gebi ahaan Somalia

132700cookie-checkXiriirka Somalia & Midowga Africa Oo Shaki Soo Kala Dhex Galay