Dab Khasaare Geystay Oo Muqdisho Ka Kacay..

Business

Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa Goordhow waxaa uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla kasoo horjeedka Isbitaalka Hooyada & Dhalaanka ee Banaadir..

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in dabka uu ku faafay inta badan Kaalinta Shidaalka iyo Goobo Ganacsi (Farmashiye iyo Dukaamada) oo ku dhegan, isla markaana ay haatan socdaan gurmadyo kala duwan oo lagu doonayo in dabkaasi lagu demiyo,waxaana Goobta gaarey gaadiidka dabdemiska.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Qof dabkaasi ku gubtey loola cararay Isbitaal,si loogu daaweeyo,hayeeshee aan weli la shaacin khasaaro kale oo ka dhashay dabkaas.

Sawiro laga soo qaadey Goobta uu dabka ka kacay ayaa muujinayay dabka oo sii faafayaya,balse dadka Shacabka ay sameynayaan gurmad kasta oo dabkaasi lagu demin karo.

21330cookie-checkDab Khasaare Geystay Oo Muqdisho Ka Kacay..