Share the post "Dab Khasaare Geystay oo Xalay Baa’biyay Tiro Dukaamo Daawada Lagu Gado.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Dab khaaare geystay oo xalay baa’biyay tiro Dukaamo lagu iibiyo Daawada ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Mogadishu, iyadoo ay ku basbeeleen hanti taalay Qeybta Daawada, inkastoo lagu guuleystay in la xakameeyo Dabkaasi..
Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi oo ka warbixiyay Dabka ayaa cadeeyay in la xakameeyay, isagoo intaasi raaciyay inuusan geysan khasaare nafeed Dabkaasi isla markaasna laga hortagay inuu u gudbo qeybaha kale ee Dukaamada Daawada iyo Bakhaarada kale.
Suuqa Bakaaraha ayaa 33-dii sano ee u dambeysay waxaa xal loo la’yahay Dabka ka kac, iyadoo Dowlada Federaalka iyo Ganacsatada ka gaabiyeen iney u dejiyaan qorshe lagu xakameynaayo Dabka ka kaca Suuqa oo Joogto noqday khasaare hantiyeedna & mid nafeed geysan jiray, Dabkaan xalay waxaa u soo gurmaday Gaadiidka Dabdemiska ee Shirkada Hormuud.