Ma Dhabaa In Madaxweynaha Kenya uu Dhawaan u Magacaabayo Ergeyga East Africa

Africa News Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa muujinaaya in Madaxweynaha Kenya William Ruto uu dhawaan u magacaabi doono Ergeyga Dalalka Bariga Africa Gacan-yarihii Farmaajo ee Dalka Kenya, talabadaan ayaa u muuqata mid dib u kac ku keeneysa Xiriirka Dowladda Federaalka Somalia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxweynaha Kenya Mr.Ruto uu qorsheeyay inuu Wakiilka Kenya ee Dalalka Bariga Africa u magacaabo Qareen Axmed Dheere oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan, waxeyna tali soo jeedintaasi ka mid Axmedbasir Abdullaahi oo ku dhow Mr.Ruto, isla markaasna wakiil ka ah Hantida Farmaajo iyo Fahad ku leeyihiin magaalada, wuxuuna xiligaan ku howlan yahay (Axmed dheere) sidii Sanadka cusub u degi lahaayeen Nairobi Farmaajo iyo Fahad.

Wararka ayaa sheegay in Qareen Axmed dheere uu ka mid ahaa Wafdigii u raacay Mr.Ruto Dalka Eritrea, ilo wareedyo ayaa sheegay in Axmed Dheere iyo Ganacsade xidid la ahaa Fahad oo ay dileen Sirdoonka Kenya xiligii Uhuuru ayaa saaxiibo dhow la ahaa Mr.Ruto intuu uu Madaxweyne kuxigeenka ka ahaa Kenya, waxaana dhex maray xiriir ganacsi.

Talaabadaan ayaa u muuqaneysa mid dhabaha u xaareysa in dib ay u soo cusboonaato khikaafkii iyo xiriirkii xumaa Somalia iyo Kenya, iyadoo Maamulka Ruto uu oggolaaday in kooxaha NN iyo CBB ay farsiimo ka dhigtaan Nairobi isla natkaasna khalkhal geliyaan Maamulka Xasan Gurguurte.

231080cookie-checkMa Dhabaa In Madaxweynaha Kenya uu Dhawaan u Magacaabayo Ergeyga East Africa