Dabley Lagu Dilay Degaanka Guricel

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guricel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya Askari ka tirsan Xoogaga sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano (Haramcad) ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay gudaha Magaalada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Askariga ayaa lagu dilay afaafka hore Hotel Badar ee Magaalada Guriceel, kadib markii askar ku sugneyd ilinka hotelkaasi, ay rasaas oodda kaga qaadeen gaari uu la socday askarigaasi.

Falkaani ayaa ka dambeysay, kadib markii la sheegay in ay ilaalada ka shakisay gaarigaasi, oo aynaan horey macluumaadkiisa u haynin, Hotelkan ayaa waxaa gelinkii dambe ee Khamiistii la dejiyay wafdi uu hoggaaminayo Kuxigeenka Qorqor, Cali Daahir Ciid, waxaana ku wehlinaya Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

Xoogaga Haramcad oo tiradooda lagu qiyaaso kun askari ayaa waxay u badan yihiin Xoogagii NISA ee hubeysnaa, markii dambena lagu biiriyay Boliiska Gobolka Banaadir, waxaana ku jira xubno kal hore ka soo goystay Ururka Al Shabaab, uuna ugu horeeyo Taliyahooda Faarax Qaroole.

28380cookie-checkDabley Lagu Dilay Degaanka Guricel