Diiwaan-Gelinta Cod-Bixiyayaasha Doorashooyinka Lagu Muransan Yahay Oo La Shaaciyay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya Guddiga KMG ah ee doorashooyinka ay shalay shaaciyeen xilliga ay bilaabanayso diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo cod ee qorsheysan in la qabto….

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Degaanka Puntland oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore, Odayaal Dhaqmeed iyo Waxgarad kale ayaa ka horyimid barnaamijkaan doorashooyinka qof iyo cod oo sida ay sheegeen uu mudda kororsi ku dhex qarinayo Madaxweyne Siciid Deni.

Sidoo kale waxaa buuq xooggan ka taagan yahay soohdimaynta cusub ee loo sameeyay degmooyinka Puntland taasoo uu ku shaqayn doono guddiga KMG ah ee doorashooyinka.

Dhinaca kale Ururada Siyaasadda Puntland ayaa lagu wadaa in maanta shir uga furmo magaalada Garoowe si ay go’aan midaysan uga qaataan arrimaha doorashooyinkan lagu muransan yahay.

227510cookie-checkDiiwaan-Gelinta Cod-Bixiyayaasha Doorashooyinka Lagu Muransan Yahay Oo La Shaaciyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com