Dadaalo Lagu Kulansiinaayo Dowlada Iyo Maamulada

Politics

Faahfaahin hordhaca ayaa sheegaya in si xowli ah ay ku socoto qorsho la doonayo in Hogaanka dowlada federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyadu la isugu geyn lahaa dalka Jabuuti si xal looga gaaro xaalada siyaasadeed ee cakiran ee ka jirta dalka….

Qorshaan oo in mudo ah laga soo shaqeeynayay ayaa waxa hogaanka u hayo qaar kamida wadamada taageera Sida Danjiraha USA, Isagoo ku fashilmay inuu xakameeyo Maamulka Villa Somalia kuna taageeray Khaladaad Siyaasadeed oo Maamulku ku kacay 3-sano ee ugu dambeysay, waxeyna ku baraarugeen iney u arkaan sida kaliya ee xal loogu gaari karo arimaha qasan ee xiligaan kala guurka ah ka taagan Somalia ay tahay in si si ka fool-ka-fool ah la isugu keena Madaxda Dowlad goboleedyada Iyo dowlada Federaalka.

Dhowr mar oo la qaban lahaa kulankaas ayaa dib u dhacay sababo jira awgood oo ay ku jiraan cudurka Covid19.

Dhanka kale, Farmaajo oo ka biyo diidayo in uu ka qayb-galo shirkaas ayaa wuxuu todobaadkaan isugu yeeray magalaada Muqdisho Madaxda Dowlad Goboleedyada isaga ka amar qaata si u muujiyo in uu xiriir la leeyahay dowlad Goboleedyada, isla markaana laga maarmay shirkaas.

Dad badan ayaa rumeysan in talaabadan uu Farmaajo qorsheystay aysan waxba ka badalaynin xaalada ka jirta dalka, dadka ay tahay inuu la heshiiyanaa waa  dadka ay colaada kala dhaxeeyso ee ah Axmad Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni. (Jubbaland iyo Puntland) Waa isku aragti, sidaas darteed, kulankaas oo uu u qabto Qoor-Qoor, Waare iyo Lafta-Gareen waxba kama badalayso xaalada dalka ka jirta.

36130cookie-checkDadaalo Lagu Kulansiinaayo Dowlada Iyo Maamulada