Dadka Macaanka Qaba iyo Talada Caafimaad ee Hoos u Dhigi kara Diabetes..

Food Health Somalia news

Sonkorowgu waa cudur raaga, kaasoo sameeya awooda uu jirku u leeyahay inuu isbedel ku keeno sare u kaca heerka sonkorta dhiigga, Waa xanuun u baahan in laga taxadaro cunnada la cunaayo iyo qaab nololeedka sii loo maareeyo (Diabetes)..

Macaanka ayaa u kala baxa 2-nooc oo ay ugu caansan yihiin Type-1 iyo Type-2, Nooca labaad ayaa ah kan aynu maanta faaqidayno, Noocan ayaa ah mid aan si rasmi ah ugu tiirsanayn qofku inuu qaato insulin, Waxa xusid mudan in uu cudurkani yahay mid ay qasab tahay in si joogto ah loo xakameeyo ee aanay ahayn in daawada la qaato keliya marka uu xadka ka baxo balse Raashinka cunistisa la ilaaliyo.

Dheellitirka kaarbohaydareetyada:

Karbonhaydareetyadu waa shayga saamaynta ugu badan ku leh heerarka sonkorta dhiigga, xulo isku-dhisyada kaarbohaydareetyada sida badarka, noocyada digirta iyo khudradda adigoo xadidaya sonkorta cad iyo cunnooyinka warshadaysan.

Dufannada caafimaadka uroon:

Dufaannada caafimaadka leh jirku kama maarmi karo waxayna aasaasi caafimaadka guud. Cunnooyinka dufannadaan laga helo waxaa ka mid ah miraha afaakadhada, lawska, qoondarka, miraha chia seeds iyo saliid saytuunta. Waa in la iska ilaaliyo dufannada nooca loo yaqaanno “saturated fatty acids” ee ku badan cunnooyinka shiilaan iyo hilibka dufanka leh.

Hilibka jiirka ah:

Barootiintu waxa ay caawisaa cufnaanta murqaha iyo sonkorta dhiigga lagu ilaaliyo heerkeeda dabiiciga ah, Slsidaas awgeed dooro kalluunka, difaagga aan maqaarka lahayn ama digirta halkii aad ka cuni lahayd hilibka caddiinta ah aama hilibka warshadaysan.

Kontaroolista xaddiga aad cunayso:

Koontaroolista cabirka aad cunayso waxay muhiim u tahay maaraynta xanuunka macaanka. Isticmaal saxan yar ama baaquli yar si ay kaaga caawiso inaad aragto xaddiga aad cunayso. Saxanka kalabar khudrad ka dhig, barka kalana raashin.

Ilaali sonkorta aad qaadanayso:

Iyadoo ay muhiim tahay inaad xaddido sonkorta, haddana waxaad si dhedhexaad ah ugu raaxaysan kartaa macaanka furuutka dabiiciga ah. Furuutka sidooda ku cun halkii aad cabitaan ahaan u cabbi lahayd.

Qorsheynta xilliyada cunnada:

In qorshe u samaysato xilliyada waxa kaa ay caawinaysa joogtaynta iyo kontoolista cunnada aad dooranayso. Ku dedaal inaad waqti go’aan u samaysato xilliyada cunnada sida quraacda, qadada cashada iyo cunnooyinka fudud ee  u dhexeeya xilliyadaas.

Biyo cabbista:

Biyo cabista iyo dareeraha waxa ay lagama maarmaan u tahay qof kasta khaasattan bukaanka qaba xanuunka macaanka. Cab biyo badan maalintii oo dhan, adigoo xadidaya cabitaannada sonkorta leh sida kuwa soodhaha ama cabitaannada fruit/ka..

342620cookie-checkDadka Macaanka Qaba iyo Talada Caafimaad ee Hoos u Dhigi kara Diabetes..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *