Musharaxnimada Raila Odinga Ee Madaxtinimada Kenya Oo Galaafaneysa Taageeradiisa Somaliland

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ra’ila Odinga, oo u tartamaya Madaxtinimada Maamulka Dalka Kenya, oo horey u cadeeyay sanadkii 2016kii kana sheegay Chatham House inuu taageerayo in Somaliland loo aqoonsado dal Somalia ka go’ay, ayaa xiligaan wajahaaya culeysyo badan..

Mr.Odinga, oo mar ahaa Ra’iisal Wasaaraha Kenya marna Ergeyga Midowga Afrika u qaabbilsan Horumarinta Kaabayaasha, ayaa waxaa soo foodsaari kara su’aalo xagal-daacin kara ololihiisa Doorashada maaddaama uu si toos ah uga ololeeyey qarannimada dal xubin ka ah Midowga Afrika, iyadoo su’aali ka taagan tahay in Odinga si wadi doono u ololeynta kala-goynta Somalia hadduu ka badiyo William Ruto si uu u noqdo Madaxweynaha Kenya.

Mr.Odinga ayaa sanadkii 90-kii cadeeyay “Waxaan taageere adag u ahay aqoonsiga Somaliland, Sidaas baan iri aniga oo aan cabsi qabin ama aan isburinayn, Waxaan ka mid ahay hoggaamiyeyaashii ugu horreeyey oo booqday Somaliland markii saaxibkey Maxamed [Ibraahim] Cigaal noolaa” ayuu Odinga yiri.

Soomaalida Gobolka Waqooyi bari (Kenya) iyo guud ahaan Muslimiinta ayaa looga fadhiyaa iney codkooda ku diidaan aragtida kala go’ynta midnimada ee Somalia, Shaqsiyaadka uu ka mid yahay Raila waa kuwo naceyb u haya Midnimada & wadajirka Shacbiga Soomaaliyeed.

172660cookie-checkMusharaxnimada Raila Odinga Ee Madaxtinimada Kenya Oo Galaafaneysa Taageeradiisa Somaliland