Dagaal Beeleed Khasaare badan geystay oo ka Dhacay Degaan ka tirsan Gobolka Galgudud..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed khasaare badan geystay una dhaxeeya 2-beel kaasoo ka dhacay Degaanka Ceel barafaange oo kana tirsan Degaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug…

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaani uu u dhaxeeyo Maleeshiyaadka Beelaha Ceyr iyo Duduble oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in ugu yaraan ilaa 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay Degaanka, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ku sugan Degaanka lagu dagaalamay.

Qaar ka mid ah Maleeshiyaadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa dhaawacyadooda la kala geeyay magaalooyinka Guriceel iyo Ceel Qooxle, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdooda Caafimaad, ayaan darrase ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka ka dhacay Degaanka Ceel barafaange ee Gobolka Galgaduud.

328720cookie-checkDagaal Beeleed Khasaare badan geystay oo ka Dhacay Degaan ka tirsan Gobolka Galgudud..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com