Maxaa ka Run ah in Odayaashii Ergada ahaa ee Mogdishu ka tagay Lagu Xayiray Hoteelkii ay Degenaayeen…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Ergo Odayaal Dhaqameed oo ka tagay magaalada Mogadishu 26-kii Bishii April isla markaasna ka degay magaalada Hargeysa si ay u dhexdhexaadiyaan Colaada ka aloosan magaalada Laas caanoid ee Gobolka Sool loona soo afjari lahaa…

Xogtaan ayaa sheegtay in Ergadaan oo muddo ku sugan magaalada Hargeysa isla markaasna ay qaabileen Guddi ka socda Golaha Guurrida, ayaa la sheegay inuu dadaaladoodii gaabis ku yimid kadib markii Maamulka Muuse Biixi ui diiday inuu qaabilo Odayaashan, sidoo kale wuxuu ku amray Hey’adaha Amaanka iney xakameeyaan dhaqdhaqaaqooda oo lagu xayiray Hoteelkii ay degenaayeen.

Sidoo kale Warbaahinta degaanka ayaa lagu wargeliyay iney ka hadlaan Safarka Odayaashaan ka tagay magaalada Mogadishu, ku darsoo Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya Xasan Sheekh Iyo Ismaaciil Gelle ayaa Odayaashan u adeegsanaaya sidii ay u heli lahaayeen Xeelado u wanaagsan Maamulka Hargeysa isla markaasna fursad loo siiyo Maleeshiyaadka Muuse Biixi iney sii wadaan Duqeynta aan loo meel dayin ee muddo bilo ah ku burburinayaan Goobaha Cibaadada, Caafimaadka, Dugsiyada Waxbarashada iyo Dilalka bareerka ah Shacbiga Magaalada.

255380cookie-checkMaxaa ka Run ah in Odayaashii Ergada ahaa ee Mogdishu ka tagay Lagu Xayiray Hoteelkii ay Degenaayeen…