Share the post "Dagaal la isku Adeegsaday Noocyada Hubka oo ka dhacay Degaano Gobolka Hiiraan & Khasaare…"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalo qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawisleyda Degaanka iyo Aragagixisada shabaab ku dhexmaray Tuulooyin u dhaxeya Beera yabaal iyo Jiciboow oo hoostaga Degmada Buula burte ee Maamulka Hirshabelle..
Dirirtaan oo Saakay dhacay ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaraya labada dhinac, iyadoo dhinaca Ciidamada Dowlada iyo kuwa Degaanka ay sheegteen iney khasaare gaarsiiyeen Maleeshiyaadka kooxda Shababka.
Iyadoo Dagaalka uu ka dhacay dhul howd ah oo lana tilmaamay in kooxdu ay ka sameysatay difaacyo adag, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in godadkii laga saaray Maleeshiyaadka kooxda argagixisada, Maalimihii ugu dambeeyay ayaa degaanada u dhaxeeya Beera yabaal iyo Jiciboow oo ku kala yaala laamiga iyo jiinka Wabiga Shabeelle waxaa ka socday dagaalo Degaanadaasi looga saaraayo kooxda shabaabka.