Maxaa Ka Dhab ah Keydka Hubka & Rasaasta Villa Somalia Laga Saaray

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in dhowr habeen ka hor tiro badan oo Hub, Qoryo Fudud, kuwa culus iyo noocyada kala duwan ee Rasaasta laga daabulay Bakhaarada Xarunta Guutada Boliiska Dableyda Villa Somalia, iyadoo loo qeybiyay dhowr guri oo ku yaal Magaalada Mogadishu..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Hubkaan xili saq dhexe laga bixiyay Albaabada Villa Somalia ee qorax ka soo bax, waxaana la sheegay in Hubkaan la kala dhigay Guryo ay kala leeyihiin Taliyayaasha Ciidamada Lugta iyo kan Asluubta, iyadoo daabulka Hubkaan iyo rasaasta ay ka soo baxayaan laba aragtiyood.

Aragtida hore ayaa sheegaya in Cabsi xoogan ay Farmaajo iyo La-taliyayaashiisa ka qaadeen Tiro badan oo Ciidamo aad u Hubeysan lagu Xoojiyay Guriga iyo Xafiisyada Wasiirka 1-aad ee Villa Somalia, isla markaasna dagaal ka qarxo gudaha Villada lana qabsado Hubka iyo Rasaasta.

Aragtida 2-aad ayaa tilmaameysa in Farmaajo ay soo food saartay Baahi dhaqaale isla markaasna uu go’aansaday in Hubka iyo Rasaasta si deg deg ah suuqyada loo geliyay lana iibiyo si loo xoojiyo musharaxninadiisa Doorashada, inkastoo uu taageero dhaqaale iyo siyaasadeed ka helo Dowladdaaha Qatar iyo Turkiga, waxaana meesha ka marneyn Kulamada 2-sii todobaad ee tagay la yeelanaayay Horjoogayaasha Kooxaha Hubeysan ee Beelaha Hawiye kuwaasoo uu u balanqaaday inuu Hub iyo Rasaas siinayo si looga difaaco Xoogaga Hubeysan ee Kacdoonka Mogadishu.

163510cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah Keydka Hubka & Rasaasta Villa Somalia Laga Saaray