Dagaalka Bariga Dhexe Oo Xargo Goostay & Khasaare Ka Dhashay…

Security World

Kadib markii Kulan wada tashi ay wada yeesheen Saraakiisha Ciidamada USA & Israel ayaa lagu go’aamiyay in Dalka Israel uu Mareykanka u diro Guuto Difaaca Cirka (THAAD Anti missile system) iyo ciidamo Mareykana ah oo ku howlgala si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Isra’il oo qorsheyneysa iney Iran Weerarto dhawaan..

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan iney qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Israel, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee gobolka.

Khabiirka Yuhuuda u dhashay ee Gideon Levy ayaa Bartiisa X ku qoray “Wax ka yar lama filan karo, Waxaan joognaa bilowgii dagaalkii Lubnaan, Qofkii doonaya dagaalkan ha ogaado inuu ku imanayo qiimo aad u sarreeya, wuxuuna ka hadlaayay weerar Drone oo lagu qaaday Xero Ciidan oo ku taal Duleedka Magaalada Haifa ee Dalka Israel oo khasaare badan gaariyay Gaaska Galani ee Ciidamada Israel.

Aroornimadi hore ee maanta ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Israel ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen Dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen.

346360cookie-checkDagaalka Bariga Dhexe Oo Xargo Goostay & Khasaare Ka Dhashay…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *