TRANSPARENCY INTERNATIONAL Oo Noradin Haji Kala Noqotay Abaal marin ay horey u Siisay..

Africa News

Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ee Transparency International ayaa dib ugala noqotay abaal-marin ay hore u siisay Dacwad oogaha guud ee Kenya ee xilka kasii degaya, sida ay sheegtay Jimcihii, iyadoo ku eedaysay inuu meesha ka saaray kiisas musuqmaasuq oo caan ah…

Hay’adda caalamiga ah ee qaybteeda Kenya ayaa sannadkii 2019-kii gudoonsiisay Noordin Haji abaal-marinteeda daacadnimada, isaga oo sheegay inuu xafiiskiisa ku hoggaamiyey dacwado lagu soo oogay tobanaan kiis oo musuqmaasuq ah, taasoo loo arkay guul taariikhi ah oo laga gaaray Dal uu ragaadiyay musuqmaamuqu.

Xaaji oo uu Madaxweyne William Ruto u magacaabay in uu noqdo Madaxa Hay’adda Sirdoonka, ayaa meesha ka saaray eedeymihii loo haystay dhowr qof oo lagu tuhmay musuqmaasuq kadib markii Ruto uu la wareegay xaafiiska madaxweynaha bishii September ee la soo dhaafay.

Hay’adda Transparency International (TI) ee Kenya ayaa sheegtay inay heleen codsiyo dadweyne oo ka dhan ah go’aanka lagu laalay dacwadaha, oo ay ku jiraan kuwii ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Aisha Jumwa, oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda ee Kenya.

257980cookie-checkTRANSPARENCY INTERNATIONAL Oo Noradin Haji Kala Noqotay Abaal marin ay horey u Siisay..