Dagaalkii Konfurta Gaalkacyo Oo Xal Laga Gaaray

Politics

Wararka naga soo gaaraya Konfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug (Galmudug), ayaa sheegaya in dagaalkii ka Dhacay degaanka Saax-qurun ee galbeedka Waqooyi ayaa kusoo waramaya xal laga gaaray…

Kulan adag oo qaatay saacado oo ayna ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan JFS, Saraal ka tirsan Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradkii Beesha ay kasoo jeedeen Ciidankii la Dagaalamay SNA, kaasoo lagu falaqeeyay Dagaalkii 8-Qof ku geeriyoodeen iyo tiro kale ah ku dhaawacmeen.

Kadib markii Ciidamada Dowlada ay Soo qabteen Ganacsade hubka iibiya iyo Wiilkiisa, isla markaasna bakhaarkiisa ay ka qaateen Hub iyo Rasaas aad tiro badan, inkastoo hubkii iyo rasaastii ay Dib u soo celiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in heshiis guud laga Gaaray, iyadoo Odayaasha Beesha ay oggolaadeen in Gaadiidkii iyo Ciidankaba inay ku wareejiyaan Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo xalay Halkaasi gaaray.

36830cookie-checkDagaalkii Konfurta Gaalkacyo Oo Xal Laga Gaaray