Dalal Dhowr ah Oo Xayiraado ku soo Rogay Tiro Wasiiro Israel u Dhashay..

Security World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa go’aan xayiraad oo ay gaareen Dalalka Great Britain, Norway, Australia, Canada iyo New Zealand ayna ku cunaqabataynayaan 2-Wasiir oo ka mid ah kooxaha xagjir ah ee Israel, waxaana aad uga carooday go’aankaan Maamulka USA, iyagoo ku timlaamay in tallaabadan aysan caawinayn dadaallada xabad-joojinta Gaza…

Dalalkaan ayaa labadaasi Wasiir ku eedeeyey “hurinta rabshadaha soo noqnoqda ee ka dhanka ah Shacbiga Falastiiniyiinta” ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, Wasiirradan oo kala ah Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich ayaa labadaba laga mamnuucayaa inay tagaan Dalalka kor ku xusan, iyadoo la qorsheynaayo in xayirayaad lagu soo rogay Dhamaan Hantida u taala UK ku taal, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka uu ku dhawaaqay Wasiirka arrimaha Dibadda.

Wasiirka arrimaha dibedda UK, David Lammy ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyada Smotrich iyo Wasiirka Amniga Ben-Gvir ay “huriyeen rabshadaha iyo xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah xuquuqda Shacbiga reer Falastiin”.

376230cookie-checkDalal Dhowr ah Oo Xayiraado ku soo Rogay Tiro Wasiiro Israel u Dhashay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *