Tirada Dadka u Dhintay Cuddurka Duumada 2021-kii oo La Shaaciyay

Africa News Health World

Inkastoo Cudurka Duumada (Malaria) uu yahay mid laga hortagi karo lana daaweyn karo, hadda Sanadkii tagay waxaa u dhintay 619,000 oo Qof, sida ay Warbixin ay soo saartay Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, iyadoo uu Cudurkaan halista ah ayaa inta badan qaninyada Kaneecada dhidigga ah (Anopheles) ku fida Dadka degan Dhulka Kuleylaha ah…

Calaamadaha ugu horeeya ee lagu arko Qofka qaba Cuddurkaan waa kuwo fudud oo Qandho leh ayna adag tahay in la ogaado iney Malaria tahay, haddii aan la daaweyn 24-saac gudahood, waxeyna sababi kartaa geeri, inkastoo Tirada guud ee Sanadkii 2020-kii ay aheyd 625,000 Qof u geeriyoodeen cuddurka Duumada.

Warbixinta Hey’adda WHO oo ay sameysay ayaa muujineysa in 247-Millions oo Xaaladood oo Duumo ah ay dhaceen marka la barbar dhigo sanadkii 2020-kii oo la diiwaan geliyay 245-Millions, waxeyna Saaraakiisha WHO ay sheegeen iney uga sii dartay Cuddurka Covid-19 oo cuddur saf mareen ah uu Afuunka ku faafay.

WHO ayaa qirtay in 4-Wadan African ayaa in ka badan kala bar dhamaan dhimashada Duumada kadhaceen kuwaasoo kala ah Nigeria 33%, Jamhuuriyada Demuqaraadiga ee Congo 12,6%, Tanzania 4,1-% iyo Niger 3,9%.

253160cookie-checkTirada Dadka u Dhintay Cuddurka Duumada 2021-kii oo La Shaaciyay