Dalalka Islaamka Iyo Bisha Barakeysan Ee Ramadan

Politics

Waxaa maanta Inta badan Dalalka Islaamka laga sooman yahay maalinta 1-aad ee bisha barakeysan ee Ramadan, kadib markii la dhameystiray soddonka maalmood ee bisha Shabcaan…..

Deegaanada Soomaalida ayaa si isu mida looga sooman yahay maalinta koobaad ee bisha barakeysan ee Ramadan, ka dib markii la kaamil yeelay bisha Shabcaan.

Wariyeyaasja ayaa soo tebiyay in maanta laga wada sooman yahay Degaanada Maamul Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Hirshabelle, Galmudug, Somaliland iyo Puntland.

Bisha Soonqaad ayaa Sanadkaan ka duwan kuwii horey loo soo soomay, iyadoo uu dunidii halakeeyay Cudurka Coronavirus aan horey noociisa looga arag.

Bahda Diinah.com iyo Aarka Diinah blogs ayaa Guud ahaan Ummadaha Islaamka gaar ahaan Shacbiga Soomaaliyeed waxay hambalyo u dirayaan meel kastoo ay joogaan taasoo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo xalay bilatay, Iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka faaiideystaan fadliga iyo kheyrka bisha Ramadaan.

29640cookie-checkDalalka Islaamka Iyo Bisha Barakeysan Ee Ramadan