Maxaa Sababay in Dooda Maqaamka Mogadishu Laga Saaro 4-Cutub ee Dastuurka ugu Horeeya…

Somalia news

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa weli wada ka doodista dhameystirka Daatuurka Dalka oo Qabtyo ahaa 12-kii sano ee la doo dhaafay, ku darsoo Magaalada Mogadishu ayaan wax Maqaam ah loo sameynin tan iyo markii la dhisay Jamhuuriyada 3-aad ee Somalia..

Dastuurka qabyada ah waxaa ku qoran in Magaalada Mogadishu ay maqaam gaar ah yeelaneyso oo lagu caddeynaayo dhameystirka Dastuurka, kaasoo ay go’aan ka gaarayaan Senatorada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, Shacbiga Caasimada ku nool hadda soo ma doortaan Qof Siyaasi ah, waxaana magacaaba Shaqsi ay Madaxtooyada Somalia soo xulato.

Sida ay xaaiijiyeen Ilo xogogaal ah waxaa dhawaan la horgeeyay Barlamaanka 4-ta Cutub ee horeeya ee Dastuurka kuwaasoo la filaayo in meel marinta lagu kala baxo ka hor 10-da Maarso 2024-ka, iyadoo Cutubka 1-aad qodobkiisa 9-aad wuxuu qeexaayay artinta Maqaamka Caasimada, ayasn darro Guddiga ayaa u raray Cutubka 5-aad ee Dastuurka.

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaanada qaarkood ayaa si weyn u diiday go’aankaasi, waxeyna sheegeen in Maanta meesha u baahan in wax laga qabto ay tahay laga doodo Maqaamka sharciyana loo sameeyo, iyagoo soo jeediyay in lagu soo celiyo Cutubka 1-aad, xogo ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaarkood ay dheegeen in Cutubka 3-aad lagu soo celiyo ka doodista iyo Maqaam u sameynta Mogadishu.

Wararka ayaa sheegay in Cutubka 1-aad laga saaro Dooda Maqaamka waxey u muuqataa mid siyaasad salka ku heysa, Madaxtooyada waxey aad u xiiseyneysaa isbedelka heykalka Dowladnimada sida in meesha laga saaro awooda Wasiirka 1-aad laguna bedelo Madaxweyne kuxigeen, Iyadoo ay Villa Somalia ka cabsatay in ka doodista Maqaamka  Mogadishu uu dhaliyo buuq badan ugu yaraan shaqada socota uu hakad geliyo ama dooda ay daba dheeraato, taasoo caqabad ku noqon karta qorshaha doorashooyinka iyo isbedelka la dejiyay ee ay degsatay Madaxtooyada.

Hogaamiyayaasha Hogaanka Dalka soo maray waxaa mar walba lagu eedeeyaa iney isku dhejiyaan inuu dhaqaalaha magaalada Mogadishu gacantooda uga bixin iney tahay sababta ay mar walba uga cago jiidaan Maqaam u sameynta magaalada Mogadishu, Gaabiska ka muuqda iyo aqoon darrada xulashada Duqa Mogadishu ayaa sababaha keenaya in aan Maamulka Gobolka & Bulshada Caasimada wax fal celin ah ka sameynin in go’aan ka gaarista maqaamka Caasimada laga saaro Cutubka 1-aad lamana yaqaano xiliga la keeni doono Baarlamaanka, iyadoo Hogaanka Maamulka Gobolka lagu eedeeyay inuu Shaqadiisa ku soo koobay dhigista Banaanbaxyada lagu taageeraayo Howlaha Madaxtooyada wado (Guulwadeyn).

310580cookie-checkMaxaa Sababay in Dooda Maqaamka Mogadishu Laga Saaro 4-Cutub ee Dastuurka ugu Horeeya…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com