Danaha Guracan Dalka France ka Leedahay Dalalka Geeska Africa…

Africa News Security

Kadib markii laga soo eryay Dalka France inta badan Dalalka ku hadla Afka Fransiiska ee Galbeedka Africa, isla markaasna lumiyay Saameyntiisii Awooda, Dhaqaalaha & Ciidamada ayuu hadda wuxuu xusul duub ugu jiraa sidii uu saldhigyo iyo saameyn ugu yeelan lahaa Dalka Ethiopia iyo sidii u u ilaashan lahaa Danaha uu ka leeyahay Dalka Djibouti…

Falanqeeyayaasha Arrimaha Siyaasada iyo Is-xulufeysiga ee Qaarada Africa ayaa dul istaagay in Dalka Fransiiska uu dhinacyo badan saameyntiisa Dhaqaalaha, Amniga iyo Ciidamada ku lahaa Galbeedka Africa uu lumiyay kadib markii Dalalka Niger, Burkino faso, Mali & Jamhuurida Africada dhexe ay dalalka ka eryeen France, halka Dalalka Chad iyo Senegal ay ku wargeliyeen in Ciidamada France saldhigyadooda Ciidamada la xiro isla markaasna heshiisyadii Iskaashi dhaqaalaha, Lacagta iyo Difaaca gebi ahaan ka baxeen.

Qorshaha Iyo soo celinta Saameynta France ee Geeska Africa

Dalka France ayaa dejiyay qorshe cad uu ku xodxodanaayo inuu saameyntiisa soo celiyo gaar ahaan Ethiopia iyo Djibouti iyo xeebaha Badda Cas iyo geeska Africa, isagoo u maraaya Dalka Turkiga, France ayaa dagaal adag kula jirta Dalalka USA & China ee Saameynta Dalka Djibouti, wuxuuna qorsheystay in Saldhigiisa uu balaarin doono isla markaasna qaar kale uu qorsheystay inuu ka furto Dalka Ethiopia mustaqbalka dhow isagoo kaashanaaya Dalka UEA.

Dagaalka Sudan Dalka France ayaa lagu eedeeyaa inuu Faraha kula jiro Dagaalada ka socda Dalka Sudan wuxuuna taageero u fidiyaa Kooxda Hubeysan RSF, isagoo kaashanaaya Dalka UEA, iyagoo ka faa’iideysanaaya Xaaladaha Siyaasada iyo Amniga jilicsan ee Dalka si uu u boobo kheyraadka Dalkaasi.

355050cookie-checkDanaha Guracan Dalka France ka Leedahay Dalalka Geeska Africa…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *