Mas’uul ka soo jeeda Degaanada Soomaalida Kenya Oo Loo Magacaabay Hogaanka Sirdoonka

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Kenya William Ruto ayaa Mas’uul degaanada Soomaalida Dalka Kenya u magacaabay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka dalkaasi ee NIS…

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Kenya loo magacaabay Nuuradin Maxamed Yuusuf Xaaji, oo horey u ahaa Xeer Ilaaliyaha (Director of Public Prosecutions DPP), iyadoo Bisha soo socota uu hor tagi doono Baarlamaanka.

Nuuradin Xaaji ayaa haddii Baarlamanku ansixiyo beddeli doona agaasimihii guud ee Sirdoonka Kenya Gen. Philip Kameru oo lagu wado in uu hawlgab noqdo, xilka Hey’addana hayay laga soo bilaabo 2014-kii, Mr. Nuuradin Xaaji ayaa hore uga tirsanaa laanta dacwad soo oogaha guud ee dalka Kenya waxaana sida la sheegay uu muujiyay karti iyo hufnaan shaqo.

256190cookie-checkMas’uul ka soo jeeda Degaanada Soomaalida Kenya Oo Loo Magacaabay Hogaanka Sirdoonka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com