Danjiraha Somalia Ee Turkiga Oo Lagu Eedeeyay

Politics

Danjiraha Somalia u Farhiya Dalka Turkey Mr.Jaamac Caydiid, oo ah Abti ah Mr.Farmaajo oo safiir loogu magacaabay Turkiga horraanii sanadkii 2017, ayaa lagu eedeeyay inuu Macaash Dhaqaale ka sameynaayo Xayiraadaha Dhaqdhaqaaqa Dadka ee Diyaaradaha lagu soo rogay…

MOL oo heshay cod uu duubay Safiirka Somalia u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Caydiid, isagoo ku wargelinayo muwaadiniinta Soomaalida ee ku xayiran Dalka Turkey iney dhaqaale dhan 930-US$ ku soo shubaan koontada safaaradda si loogu raadiya diyaarad Charter ah oo u qaadda magaalooyinka Hargeysa & Muqdisho.

Danjiraha ayaa u dhaqmaya sida qof dilaal ah oo raba in uu lacag dulsaar ah saarto rakaabka xayiran, Sida ay sheegeen qaar ka mid ah howlwadeenada safaaradda,  in qarashka ku baxaayo dad gureenta ay ballan qaaday  hay’adda TIKA balse waxaa la yaab  noqotay markii uu safiirka ku wargeliyay shacabka ku xayiran dalka Turkiga in ay bixiyaan lacag ka badan $900 oo doollar qofkiiba.

35120cookie-checkDanjiraha Somalia Ee Turkiga Oo Lagu Eedeeyay