Weerarkii Hotel Villa Rays kadib Maxaa Madaxweynaha la Gudboon

Somalia news

Inkastoo Baaris la bilaabay ku aadan weerarkii Qorsheysnaa ee Hoteelka Villa Rays (Reys), isla markaasna la xiray Taliyayaal iyo tiro Ciidamada Isbaarooyinka ee Boliiska Dableyda Madaxtooyada & Nabadsugida, hadana waxaa taagan su’aalo u baahan jawaabo kuna aadan jiheynta Siyaasada Amniga Dowladda Federaalka…

Warbixin kooban oo ku aadan Taariikhda Hoteelka

Dhismaha waxaa iska leh Caruurtii uu ka baxay Ganacsade (Marxuum) Cusmaan Kulmiye, waxaana mar xarun u aheyd Gen. Ceydiidkii USC, sanadahaan waxaa Hoteelka Kireystay Ganacsade Xawaadle ah, kadibna Wuxuu ku wareejiyay Xafsa Xaabsade, iyadana waxey ku wareejisay tiro Ganacsato Beesha Mareexaan ka soo jeeda kuwaasoo bishii laga qaadi jiray kiro ahaan 8000-US$.

Xiliyadaan dambe Hoteelka wuxuu geedi fadhi u noqday ku (Kulmi) jiray Garabyada Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ay ku jiraan kuwii mar Shababka la soo shaqeystay, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Garabka Tuhunka saaran yahay ee ilaalada Xildhibaan Cabdullaahi Kulane (Jiis-mareexaan), ay fududeeyeen Gudbinta Hubka, Rasaasta iyo Caagado ay ku jiraan walxo qarxa (Malab).

Khasaaraha iyo Dadka ku Sugnaa Hoteelka

Xiliga weerarka waxaa la sheegay iney ku sugnaayeen 70-qof oo heysta Dhalashada USA iyo UK, waxaa ku dhintay 27-Qof oo ay ku jiraan (5) ka tirsan argagixisada oo qaarkood gubtay, waxaana la soo badbaadiyay 150-Qof qiyaastii, inkastoo baaris ay socoto, hadana waxaa la yaab ah in Hey’adda Xuuraanka ay la socon weyso dhaqdhaqaaqa iyo saxmada xiliyadii dambe Hoteelka ka taagnaa.

Maxaa la Gudboon Hogaanka Siyaasada

Dhowr sababood weerarkii Hoteelka Rose wuxuu kaga duwanaa dhacdooyinkii hore, waa marka hore Amniga Madaxweynaha oo khalkhal galay kadib markii 7-xabafood oo Bazuuke ah lagu riday xeyndaabka Guriga Madaxweynaha, lix maleeshiyo oo fulisay weerarka iyo Muranka joogtada ah xiliyadaan oo kale ka dhex qarxa Boliiska & NISA cidda iska leh soo af jarida weerarka oo markii 2-aad qaatay 23-saacadood, Madaxweynaha waa inuu go’aan ka gaaraa khilaafka xiliyada ay argagixisadu goob qabsato.

Dib Habeynta Laamaha Amaanka

Waxaa lama huraan ah in Madaxweynaha uu ka baxo riyo maalmeedka uu ku jiro, isla marksaana hogaanka Hey’adahaan u xusho Saraakiil aqoon iyo khibrad dururgsan u leh Hogaaminta iyo dejinta straateejiyada lagu sugaayo Amaanka Caasimada isla markaasna isla xisaabtan dhab ah la la yeesho halka uu hababsanaanta ka timid.

Saraakiishii Amaanka ee Farmaajo ka tagay kuna mashquulsan dhaqaale uruursiga (Low level & Seniors), dib loola xisaabtamaa Hantidooda baaris lagu sameeyaa, maxaa yeelay Shacbiga dhibaato xoogan ayeey ku qabaan isticmaalka wadooyinka (Isbaarooyinka), Argagixisaduna si fudud (Lacago) ayeey kaga gudbaan, waxaa loo baahan yahay Sirdoon iyo adkeyn amni oo isla xisaabtan ku dhisan iyo Saraakiil aqoon iyo karti u leh Sugida Madaxweynaha u xushaa kana baxaa riyada dhalanteedka ah.

tan kale Kooxda Shababku waxey heystaan Direeska, Isgaarsiinta (Walk talkie) iyo Gadiidka Ciidamada (Boliiska, NISA iyo Xooga Dalka), waxey kaloo xiriir dhow la leeyihiin Saraakiisha amaanka, mana jiraan sabab diideysa iney kolonyo ku galaan Madaxtooyada mustaqbalka.

228390cookie-checkWeerarkii Hotel Villa Rays kadib Maxaa Madaxweynaha la Gudboon
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com