Danjiraha USA Oo Saxaafada Net-ka Kala Hadli Doona

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya in Danjiraha USA u fadhiya Somalia Mr. Donald Yamamoto ayaa maanta lagu wadaa in qadka zoom uu kula hadlo saxaafadda ka howl gasha Somalia…

Sida ay saraakiil ka tirsan safaaradda sheegeen waxaa safiirku ka hadli doonaa xaaladda Somalia, isagoo is dul taagi doonaa qodobadan:-

  1. Doorashooyinka
  2. Caabuqa Covid-19
  3. Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee xalka loo waayay.
  4. Sida aan hagarta lahayn ee beesha caalamka isugu dayday in miis ay isugu keento dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedya.

Beesha caalamka ayaa ku cadaadineysa Maamulka Farmaajo inay caddeeyaan mowqifkeeda doorashooyinka iyadoo muddo xileedkeedu ay ka harsan tahay 275 maalmood.

Xisbiyada Mucaaradka iyo qaar ka mid ah beesha caalamka ayaa ka soo horjeeda muddo kororsi loo sameeyo MW Farmaajo iyo xukuumaddiisa, halka USA, Qatar iyo Ethiopia ay door bidayaan in muddo kororsi loo sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha isla markaana la keeno RW dalka u diyaariya doorashooyin Febraayo 2022.

Welwelka ay beesha caalamka ka qabto in ay Somalia ka dhacaan rabshado haddii uu Mr.Farmaajo isku dayo in uu muddo kororsi sameeyo, waxayna madasha xisbiyada go’aansadeen in aanu maalin kororsan muddo xileedka marka la gaaro bisha Febraayo ee sanadka 2021, iyagoo aanan u aqoonsan doonin Mr.Farmaajo in uu yahay Madaxweyne marka la gaaro dhammaadka muddo xileedkiisa.

32390cookie-checkDanjiraha USA Oo Saxaafada Net-ka Kala Hadli Doona