Farmaajo Oo Dhaqaale Ku Bixiyay In Sawirkiisa

Politics

Waxaa dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyay goobihii ay burburiyeen shacbigii Sabtidii todobaadkaan Banaabaxa ka dhigay Muqdisho, kuwaasoo ka cabanayay dil ay geeysteen Xoogaga Amaanka ee Maamulka…

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Koox u badan Beesha Madaxweynaha ayaa Xafiiska Madaxtooyada Qandaraas si hoose ugu siiyay Dhalinyaro ka tirsan Xoogaga Wadaniyiinta la sheegay inay is xilqaameen, oo ay ku jiraan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, ayaa dib u habeyn ku sameeyay boorkii Madaxweynaha ee la dejiyay iyo goobihii kale ee ku burburau banaanbaxa iyagoo sheegay iney ku faraxsan yihiin howsha ay qabteen.

Mashruuca howshaan ayaa waxa ka mas‘uul ahaa Cabdinur Maxamed oo ah madaxa warfaafinta Villa Somalia wuxuuna ku dalacday Dhaqaale aad uga badan howsha la qabtay waxaana ka soo baxaya warar kala duwan qiimaha lacagtaas.

Laba xog oo aan helnay ayaa sheegeysa in lacag gaareysa 20,000 US$ ah lagu dalacday qabashada howshaan, halka xogta kale ay sheegeyso in lagu dalacday ama la gudbiyay in shaqadaan lagu qabtay 150,000 US$.

Talaabadaan ayaa u muuqato in Maamulka uu ku mashquulay Maalgelinta sawirada Madaxweynaha iyadoo ay dalka ka jiraan Covid-19, shaqo la’aan iyo daadad ay dad ku dhinteen waxaana aad looga hadal haayaa baraha Bulshada ee Internate-ka.

30720cookie-checkFarmaajo Oo Dhaqaale Ku Bixiyay In Sawirkiisa