Share the post "Degaano ka Tirsan Caasimada Oo lagu Roogay Dhaqaale Amnigooda lagu Sugo…"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshe Amniga lagu sugaayo Degaano ka tirsan Magaalada Mogadishu, kadib markii Maamulka Macmalka ah ee Villa Somalia uu ka gaabiyay inuu u xusho sugida Amniga Caasimada Saraakiil Aqoon iyo khibrad u leh Adeynta Amaanka Caasimada…
Wararka ayaa sheegaya in Maamulada Degmooyinka Gobolka Benaadir oo Dhaqaale joogto ah oo qoriga caaradiis lagu qaado ayaa ku fashilmey iney sugaan Amniga Muwaadiniinta ku nool Caasimada, ayaa haatan keeneen qorshe cusub oo Baad loogu magac daray “Xoojinta Amaanka” ku soo rogay Degaanada hoose yimaada Degmooyinka Dayniile, Heliwaa iy Wadajir.
Xuraanku sida uu tilmaamaayo waxaa Guri kasta oo ku yaalla Xaafada Gubta lagu soo rogay bixinta lacag dhan 4 dollar Bishii, gurigii aan bixin lacagtaasi ayaana lagu wargalinayaa in aan la damaanad qaadi doonin amnigiisa uuna halis ugu jiro in burcada beegsadaan.
Dadka degan Degaanada lacagana sharcidarada ah lagu soo rogay qaarkood ayaa diiday bixinta lacagta, halka kuwa kalana ay bixiyeen, iyagoo ka cabsi qaba in ay dhibaato kala kulmaan Dhallinyarada la hubeeyay oo lagu sheegay Difaaca Madaniga uihiin lagana yaabo iney suurto gal tahay in guryaha aan lacagta bixin la bartilmaameedsado.