Naftii Halige ayaa isku Qarxiyay Halka Tiro Dabley Hubeysan ay Weerar ku qaadeen Hotel SYL Mogadishu..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Naftii-Halige uu Albaabka hore ee Hoteelka SYL abaare 9:40pm Fiidnimo isku qarxiyay, iyadoo Dabley Hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka oo kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay Dabley Hubeysan ay gudaha u galeen waxaa ka dhashay Khasaare…

Wararka ayaa sheegaya in Dableydaan ay soo xirteen Dharka Ciidamada isla markaasna ay soo hormareen Isbaarada laga ilaaliyo Madaxtootada, iyadoo Dableyda gadaha u gashay Hoteelka yu mid ka mid ah isku qarixyay Gudaha Hoteelka Goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Hey’adda, waxaa la xaqiijiyay in Wariye Xasan Cadde uu dhaawac yahay, Hoteelka ayaa waxaa degan Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Federaalka.

https://www.facebook.com/share/p/kYpJewco78LEbj56/?mibextid=K35XfP

Kadib Dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Argagixisada shabaabka ayaa la sheegay gudaha u galeen Hoteelka, Dadka ka soo baxsaday Hoteelka ayaa sheegay in halkaasoo ay ku dagaalamayaan Maleeshiyaadka iyo ciidamada Amaanka lama oga ilaa hadda khasaaraha waxaana aaga hotelka laga maqlayaa rasaas xoogan iyo mararka qaarkood Qaraxyo culus, La soco wixii ku soo kordha.

314770cookie-checkNaftii Halige ayaa isku Qarxiyay Halka Tiro Dabley Hubeysan ay Weerar ku qaadeen Hotel SYL Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com