Dhacdo Kufsi ah Oo Degmada Wadajir Ka Dhacday

Health

Dhacdo xanuun iyo argagax badan ayaa laga soo sheegaya iney Ka dhacday Degmada Wadajir ee Gobolka Benadir, kadib markii uu soo baxay warka dareenka xambaarsan ee sheegaya in Degmada lagu kufsaday gabar afar jir ahayd…..

Farxiya Cabdishakuur Bootaan ayaa Khamiistii shalay ahayd lagu kufsaday Degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen qoyskeeda. Kufsigan waxaa la aaminsan yahay in uu gaystay nin askari ah.
Axmed Bootaan Cabdulle wuxuu adeer u yahay gabadha uu dhibka loo geystay, taasoo iminka xaaladeeda lagula tacaalayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna ka waramay sida uu dhibka ku soo gaaray Farxiya oo afar jir ah.

Magaceygu waa Axmed Bootaan Cabdulle, waxaan adeer u ahay Farxiya Cabdishakuur Bootaan, waxaa dhalay walaalkey Allaha u naxariisto Cabdishakuur Bootaan Cabdulle. Gabadha waxay ahayd afar jir agoon ah, waxayna wax u dhaceen shalay barqadii marka ay saacadda ahayd 10:30am in nin askari oo guriga la deganaa uu qolka ugu soo galay gabadha, askarigaas oo magaciisu yahay Maxamed Xuseen Cilmi, oo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Turkiga uu tababaro. Meesha ayuuna ku kufsaday ayadoo bil Ramadan tahay. Koley sababta uu sidaasi u sameeyay isaga ayaa la weydiin doonnaa, waana xiran yahay, wuxuuna ku xiran yahay Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir, in loo wareejiyo Xarunta CID-da ayaana sugeynaa, oo warqadihii loogu wareejin lahaa ayaan u xanibanahay.”

Guriga uu falku ka dhacay waa guri laba qol ka kooban, qol waxaa deganaa Farxiya iyo hooyadeed, qolka kalana waxaa kiro ahaan ugu deganaa askariga dhibaatadaan gaystay. Hooyadii suuqa ayay adeeg u doonatay, intii ay maqneyd ayuuna falkaasi sameeyay. Waa 21 jir iskaabulo ah.”

Dhacdadan waxaa ay ku soo aadeysaa, xilli 1dii bishii hore ee April laba gabdho oo walaalo ahaa lagu kufsaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuwaa oo da’doodu lagu kala sheegay saddex jir iyo afar sano jir. Gabdhahaasi wada dhashay illaa iyo hadda wax cadaalad ahi maynaan helin, oo maba jirto cid maxkamad loo horkeenay dhibkii gaaray.

Bartamihii bishii April ayay ahayd markii afar dumar ahaa oo la socday gaari NOHA ahaa oo ka yimid Baydhabo, kuna sii jeeday Muqdisho lagu kufsaday deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose, Mid ka mid ah oo 13 jir ahayd ayaana isku furan ugu geeriyootay Isbitaalka Guud ee Baydhabo.

34530cookie-checkDhacdo Kufsi ah Oo Degmada Wadajir Ka Dhacday