Saraakiisha Amaanka USA oo ka digay Halis uga iman karta Argagixiso Gudaha ama Dibeda ah…

U.S.

Mas’uuliyiinta Dalka Maraykanka ayaa ka digaya inay jirto “khatar aad u sarraysa” oo la xiriirta weeraro ka iman kara kooxo argagixiso oo gudaha ah ama kuwo dibeda ah Sanadka soo socda, Dhawaaqaan ayaa lagu sheegay warbixin cusub oo ay Khamiistii sii daysay Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanku…

Warbixintan ayaa farta ku fiiqday, waxa ay ku tilmaantay fikradaha khiyaaliga ah, tabashooyinka shaqsiga ah iyo waxa ay ugu yeeraan “fikrado dawlad-diidnimo ah oo ku salaysan Isir, Qowmiyado ama Aragtiyo diimeed”, kuwaasoo inta badan lagu wadaago baraha Bulshada iyo internet-ka, waxeyna dhamaantood u adeegayaan inay dhiirigeliyaan kooxo yaryar iyo shakhsiyaad ku sugan gudaha Maraykanka.

Warbixintan ayaa sidoo kale ka digtay in xubno sarsare oo ka tirsan ururada argagixisada ee dibeda, sida al-Qaacida iyo ISIS oo kale, inay doonayaan inay dib u soo ceshadaan sumcaddoodii, iyagoo raadinaya inay helaan taageerayaal cusub oo qaadi kara weeraro gacan ka hadal ku dhisan.

Warbixinta ayaa ka digtay in kooxaha argagixisada ee ajnebiga ahi ay u muuqdaan inay bartilmaameedsan karaan meelaha uu u jilicsan yahay Maraykanku, “Shakhsiyaad xidhiidh la leh ururada argagixisada ayaa waxay xiisaynayaan inay isticmaalaan marinada socdaalka, si ay u soo gaadhaan Maraykanka” ayaa warbixintan lagu sheegay.

277450cookie-checkSaraakiisha Amaanka USA oo ka digay Halis uga iman karta Argagixiso Gudaha ama Dibeda ah…