Dhagar-qabaha Dhabarjebinta ku ah Dagaalada Kooxda Argagixisada & Dhiiga Dhalinyarada..

Security Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Qeylo dhaan ay ka soo yeereyso furumaha dagaalka ee Degaanada Hirshabelle, iyadoo 3-dii sano ee u dambeysay ay jiido hore dhiiga Saraakiil Dhalinyaro oo badan khibrad iyo tababaro sare leh uu ku daatay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed baahi weyn u qabeen xiligaan adag ee dagaalka lagula jiro Kooxda Argagixisada..

Xuuraanada ayaa xaqiijinaaya in Dhimashada Saraakiishaasi maaha oo kaliya masiibooyinka goobta dagaalka waxa ay xambaarsan yihiin astaamaha muujinaaya dilalka qorshaysan, kuwaasoo laga yaabo in laga soo abaabulo kaalmo ka timid safafkooda ama loo dhigay kaamiino horey loo sii diyaariyay taasoo ka dhigaysa ummad la daalaa dhacaysa murugo iyo suurtagalnimada khiyaamo Qaran.

Khasaaraha Dhimashada Dhalinyarada Saraakiisha aad ayuu u sareeya, iyadoo farta lagu goday Hogaanka Villa Somalia ee xiligaan iyo Hogaankii Wasaarada Gaashandhigga iney mas’uul ka yihiin shirqoolada & dagaalada aan qorshaha laheyn ee lagu laayay Saraakiishaan uuna u dambeeyay Sarkaalkii Ururka Danab Taliyaha ka ahaa (Asad Osman) ee Tuulada Aboorey, Dhimashadoodu waxay ka dhigan tahay “maskax-baxa” ba’an ee khibradda xeeladda iyo hogaaminta, dib-u-dhac ku yimid sanado badan oo taageero iyo tababar caalami ah, oo hadda dhiig-baxa ku jira xaalado shaki leh.

Dagaalkan asymmetric-ga ah, hogaanku kaliya maaha inuu AK-47 ee goobta dagaalka la tago, waxay u baahan tahay dejin khariidad dagaal gelin oo istiraatiiji ah, isla markaasna laga ilaalinayo xeeladaha dhagaraysan ee Al-Shabaab ee soo gelista, wax-bursiga, iyo dilalka qorsheysan, dagaal mindhicireedka ka dhex dhex socda Ciidamada dhexdoida oo lagu xasuuqayo Saraakiisha ayaa u baahan in baaris deg deg lagu sameeyo.

Maxaa yerlay Somalia waxay si weyn u maalgalisay, iyadoo la kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, iney dhisto Ciidan dagaal oo tiradoidu kor u dhaafaya 80,000 oo tababaran, oo ay kaabayaan maleeshiyaadka degaanka (Macaawisley). Lakabyada amarka iyo borotokoolka amniga ayaa ku jira warqad, Hase yeeshe, xaqiiqada ka jirta dhulka waxay soo jeedinaysaa nuglaansho cabsi leh, caabuq ka iman kara nidaamka jilicsan ee dagaal felin iyo fara gelinta tooska ah.

Shacbi u ooman xasillooni iyo guul ka dhan ah xagjirnimada, dhimashada Dhalinyaradaan ayaa su’aalo badan dul hoganayaan, waayo waa mustaqbal la dhabar jebiyay, qoysas jabay, iyo dharbaaxooyin istiraatijiyadeed oo aan cadawgu la’aantiis oo keliya u geysan karin, balse ay suurtogal tahay inuu fuliyo khaa’inul Wadan, Su’aashu hadda ma ahan oo keliya sida looga adkaan karo kooxda Shabaabka, balse qorshaha sida loo sifeyn karo u ayaa muuqda inay si xun u wiiqayaan dagaalka ay Somalia nafteeda ku dooneyso.

367590cookie-checkDhagar-qabaha Dhabarjebinta ku ah Dagaalada Kooxda Argagixisada & Dhiiga Dhalinyarada..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *