Miyeey Sharci Ku Saleysan Yihiin Isbaarooyinka Ciidamada Asluubta

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya Muran xoogan oo ka dhashay sharci ahaanta Isbaarooyinka Shacbiga lagu dhibaateey oo ay Ciidamada Asluubta u taal qeybo ka tirsan Magaalada Mogadishu, iyadoo Ciidamadaan ay u xil saaran yihiin Ilaalinta Xabsiyada iyo Maxaabiista xiran…

Caadiyan Amaanka Caasimada iyo guud ahaan dalka Waxaa u xil saaran Ciidamada Boliiska, Sharciyada Dalka u degsan meelna kagama qorna in Isbaarooyin ay dhigtaan Ciidamada Asluubta, waxeyna meel ka dhac ku tahay Shuruucda iyo dastuurka dalka, Taliyaha Ciidamada Asluunta wuxuu sheegay “Haddii cidi xabad kugu soo riddo, Faataxa lama akhrinaayo ee xabad baa loogu jawaabayaa”.

wuxuu intaasi raaciyay “Ciidamada Asluubta waxay u joogaan in ay ilaaliyaan amniga qaranka iyo umadda. Ma jiro qof Soomaali ah oo bartilmaameed u ah in ay dilaan. Mana dhici karto. Ciddii tiri anigaa meeshaas la igu sugaayay waa in ay raaligelin bixisaa.”

Ilo Wareedyo ayaa u xaqiijiyay in isabaarooyinkaasi oo 4- ah lagu qaado Baad (Lacago sharci darro ah), uu Khilaaf xoogan uu ka dhex abuuray Farmaajo iyo Rooble, Xiisada ka dhalatay Dhacdadaan, Mr.Rooble ayaa la sheegay inuu su’aal ka keenay sharciyada ay Isbaarooyinka u joogaan Ciidamada Asluubta, wuxuuna sheegay in Ciidamo Boliis ah lagu wareejin doono Baraha (Isbaarooyinka) ay ku sugan yihiin Ciidamada Asluubta.

122770cookie-checkMiyeey Sharci Ku Saleysan Yihiin Isbaarooyinka Ciidamada Asluubta