Dhaqaale Yari Baahsan Oo Soo Food Saartay Shabaabka

Politics

Qoraal lagu daabacay Wargeyska Nation ee Dalka Kenya ka soo baxa, ayaa lagu sheegay in Horjoogaha guud ee Kooxda Shabaabka ay soo food saartay Dhaqaale xumo baahan iyo in Maamulka Dhaqaalaha baada ah ay qaadaan uu si toos ah ula wareegay Kuxigeenkiisa…

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in Horjoogaha Guud ee Kooxda Axmed Diiriye (Alias Abu Cubeyda), uu xiligaan wajahaayo burbur dhaqaale iyo inuu awoodi waayo inuu bixiyo gunooyinka ay Maleeshiyaadka Kooxda ku howlgalaan, kadib markii Kuxigeenkiisa Mahad Qaley (Karatee) uu si toos ah ula wareegay Dhaqaalaha baada ah ee laga uruuriyo Magaalooyinka Muqdisho, Shabeelooyinka iyo Gobolada dhexe.

Xogo hoose ayaa sheegaya in Mahad Karatee oo awood badan ku dhex leh Qeybaha kala duwan ee Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ayaa si cad ganafka ugu dhuftay in dhaqaalaha baada ah ee laga soo uruuriyo Gabacsatada,Gadisleyda iyo Shacbiga uu si toos ah u siiyo Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka daacada u ah.

Talaabadaan ayaa horseeday in Horjoogaha guud ee Kooxda oo xiligaan awood ahaan laciif ah ayaa Ganacyarayaashiisa ku amray in Dhaqaale looga soo uruuriyo Suuqa Islii iyo Degaanada Somalida ee Waqooyi bari ee Kenya, qorshahaan aya Sidoo kale Waxaa ka mid ah in Ajaaniibta la afduubto, si madax furasho looga qaado iyo in Ganacsadata cabsi gelin fariimo ah loo diro si ay baada u bixiyaan.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa shaki ku jirin in Wakhtiga uu gagaabsi ka yahay Horjoogaha guud ee Kooxda, isla markaasna laga yaabo in xukunkiisa uu u wareejiyo degaanada waqooyi-Bari ama Dhulka keymaha ah ee gobolada Xeebaha Kenya.

Isku soo duub, Khilaafkaan labada Horjooge ayaa la fahasan yahay inuu xoogeystay Bilihii ugu dambeeyay, waxaana la saadaalinayaa iney laba Garab u kala jabaan, taasoo wiiqeysa Awoodii Kooxda.

30340cookie-checkDhaqaale Yari Baahsan Oo Soo Food Saartay Shabaabka