Share the post "Dhaqdhaqaaq Diyaaradaha Garoonka Boosaso Ka Socda & Amusnaanta Villa Somalia.."
Sida ay tilmaamayaan xogta Raadaarka duulimaadka ee laga helay ilo loo qaateen ah, dhaqdhaqaaqyada Diyaaradeed ee intii u dhaxaysay April 2023 iyo April 2025 ayaa aad u kordhay, waxaa garoonka Diyaaradaha Boosaaso ku degeen wadar dhan 48-Duullimaad oo xamuul qalab Ciidamo kuwaasoo ka soo kicitimay Garoon Ciidan oo ku yaal UAE waxeyna ku sii jeedeen Dalka Sudan…
Xuuraanada ayaa xaqiijinaaya in bishii Janaayo ee Sanadkaan 1-da Jan-31 2025 34-Duulimaad oo hub iyo Ciidamo Calooshood u shaqeystayaal iyo noocyo kala duwan oo hub Saanad ka qaaday UAE kuna hakatay Garoonka Doyaaradaha Boosaaso, diyaarad nooceedu yahay Ilyushin waxeyna ku degtay garoon Diyaaradadeed oo ku yaal xadka Chad magaalada Caasimada N’Djamena, halka 9-Duulimaad oo Boosaaso ka tagay ay ku dageen Magaalada Abuja ee Dalka Nigeria.
Wararka ayaa sheegaya in 21-kii Bishii Maarso 2025 la sheegay in Diyaarad sumadeedu yahay 5Y-RNK ayaa ka soo duusgay Garoonka Diyaaradaha ee N’Djamena Dalka Chad waxeyna ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee Dirir Dhawa ee Ethiopia, halka Duulimaad ka baxay Magaalada Boosaaso ayaa rakaab ku dejisay garoon diyaaradeed oo ku yaal magaalada Kafra ee Dalka Libya 25-kii Bishii April 2025.

Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in 20-Duulimaad oo ka yimid magaalada Sharjah (UAE) ayaa laga dejiyaya Garoonka Diyaaradaha N’Djamena ee Dalka Chad waxeyna Diyaaradahaasi noocyadoodu kala ahaayeen:-
-Boeing 767(B763).
-Boeing 747
Boeing 737
Diyaarada nooca Gulfstream GLFS oo loogana shakiyay inuu saaran yaha Maxamed Daglo Xameeti uu muddo Maalmo ah ku sugnaa magaalada Boosaaso intii uusan ka degin magaalada Nairobi ee Dalka Kenya si uu uga qeyb galo Kulan ay mucaaradka Sudan Dowlad Dibad joog ah ku dhisanayeen.

Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu Maamulka UAE ka qaatay Sharuur si uu uga aamuso dhaqdhaqaaqyada Duulimaad ee garoonka diyaaradaha Bosaso ka taagan, iyadoo Magaalooyinka Boosaaso-Kafra-N’Djamena ay noqdeen goobo ay maamulaan Qoyska Al-Nahyaan ee UAE si dagaalada Dalka Sudan uga sii socdaan waana khatar weyn oo dhibaato u horseedi karta Amaanka Somalia haddi aan laga hortagin.