Biriq Ku Dhacday Qoy Degen Miyiga Gobolka Sool & Khasaare ka Dhashay..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay khasaare ka dhashay Roobab ka da’ayay degaano ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo uu hal Qof uu ku geeryooday roobab mahiigaanka ah, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ka jiray xaalado colaadeed oo u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo Dadka deegaanka…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumka ku geeriyooday lagu magacaabi jiray Jaamac Ismaaciil Maxamed, wuxuuna uu ku noolaa miyaga degmada Xudun ee gobalka Sool. Geeridiisa ayaa timid kadib markii uu ku dhacay Danab (biriq).

“Goor salaadda maqrib la geli doono ayuu roobkaas aad noo qabtay, isagoo dabeyl leh oo danab badan leh, magaalada meel u jirta 4-KM bay iska deganaayeen reer oo qoys badan ah dabadeed wiilka maruuxmka ah baa danabkaasii ku dhac” ayuu yiri mid kamid ah dadka goobjoogayaasha ah oo la hadlayay laanta afka soomaaliga ee VOA-da.

Roobab mahiigaanka ah ayaa ka curtay Todobaadkaan qeybo badan oo kamid ah Dalka, Gobalka Soolna oo colaado ka hurayaan ayaa kamid ah degaanada Raxmada Eebbe sida weyn loogu diirsaday.

253970cookie-checkBiriq Ku Dhacday Qoy Degen Miyiga Gobolka Sool & Khasaare ka Dhashay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com