Share the post "Dhiilo Colaadeed Oo ka Dhex Oogan Maamulada SSC & Somaliland & Sababta.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dhiilo-colaadeed oo ka dhex oogan Maleeshiyaadka Maamulada SSC-Khatumo iyo kuwa Waqooyiga , kadib markii Xoogaga Hubeysan ee labada dhinac bilaabeen iney afduubtaan Dadka rayidka ah ee ka soo kala jeeda beelahaan ood wadaagta ah…
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka tirsan Somaliland oo ku sugan Degaanka Bohol ee Gobolka Sool ay shalay afduubteen tiro Dad rayid ah oo ka soo jeeda dhinaca Degaanka Xudun oo hayb ahaan u dhashay Beelaha SSC-khaatumo, kuwaasoo haatan ku afduuban magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Sidoo kal Xoogag hubeysan ee SSC-Khaatumo ayaa kaga jawaabaya afduubkii hore ayaa dhankooda qafaashay Dad rayid ah oo u dhashay Somaliland, talaabadaan oo muujinaysa in colaadda labada dhinac isu rogtay colaad qabiil oo saamaysay beelaha deriska ah ee wada degan, mana jiraan dadaalo lagu xakameynaayo Xiisadaan cusub.
Ku darsoo jiidaha la isku horfadhiyo ee labada Maleeshiyo ayaa laga dareemay dhaqadgaqaaqyo cusub, Hub uruursi & diyaar garow dagaal, kadib markii dhowaan Maleeshiyaadka Beesha dhexe ay hub iyo gadiid dagaal oo deeq ah ka heshay Maamulka Oromada ee Addis abeba.