Golaha Ammaanka QM oo Isbeddel ku sameeyey Xayiraadii Hubka ee Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulan ay yeesheen Xubnaha Golaha Amaanka ee UN-ka, kaasoo dib u eegis lagu sameeynaayay sida isbeddel loogu sameyn karo cunaqabataynat hubka ee saaran Somalia, xilli Dowladda ay isku dayeyso inay dalka ka xoreyso kooxaha argagixisada…

Golaha ayaa isku raacay qaraarka 2662 (2022), oo hal sano oo dheeraad ah ku kordhiyey cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia, hase yeeshee waxey ku kordhiyeen qodob ogolaanaya in Dowladda Federaalka ay hub hesho.

Qaraarka, oo muddadiisu tahay ilaa 15-ka November 2023, ayaa waxaa “Haa” ugu codeeyey 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar dal oo kala China, Gabon, Ghana iyo Ruushka.

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu xusay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talogalay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

225980cookie-checkGolaha Ammaanka QM oo Isbeddel ku sameeyey Xayiraadii Hubka ee Somalia