Dib U Dayactirka Garoonka Muqdisho Stadium.

Sports

Waxaa heer dhamaad ah ku dhow Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu dib u habayn ku socday, gaar ahaan cowska Sinteetiga ah..

Shirkad laga leeyahay Dalka Holland oo qabdaraas lagu siiyay Dhigista Cowska Sinteetiga ah ( FIFA) ee Garoonka Stadium Muqdisho, ka Mdib markii Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay isaga guureen, kuwaasoo muddo dhowr sano ah hortaagnaa iney ka guuraan Garoonkaasi.

Shirkadan ayaa sanadkii hore mar joojisay dhismihii ay garoonka ka waday, kadib markii ay farriin hanjabaad ahayd kaga timid Ururka Kooxda Shabaab, inkastoo aan la garanayn Habka markii dambe lagu xaliyay iyo in Dhaqaale la bixiyay.

Garoonka ayaa horseedi doono in cayaartoyda qurbajoogta Soomaaliyeed, xilliyada fasaxa ahi marka ay dalka yimaadaan, in ay kula tababartan kuwa kale ee dalka joogga, si ay uga faa’iideeyaan qibradooda xagga kubadda cagta.

23160cookie-checkDib U Dayactirka Garoonka Muqdisho Stadium.