Sida Isku Dishay Gabar Reer Hargeysa ah & Walaasheed oo Qarka u Saaran iney…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Gabadh 18 jir ah oo lagu magacaabi jiray Xamda Xuseen Cumar ayaa toddobaadkan gudihiisa isku deldashay gudaha Gurihooda oo ku taal Xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa, gabadha oo ahayd tan kaliya ee reerka u dhaq-dhaqaaqi jirtay ayaa la sheegay iney isu dishay sababo la xiriira xaalado duruufeed oo qoyska lasoo dersay isla markaana ay awoodi weyday iney maareyso…

Siduu u dhacay is-Dilka Marxuumada:-

Gabadha is dishay oo lagu magacaabi jiray Xamda, waxa ay ahayd ardayad, waxa u suura geli weyday iney sii wadato Waxbarashada sababo la xiriira duruufta dhaqaale yarida Qoyska, Marxuumada waxey ka hartay guud ahaan Waxbarashada, waxey isku dayday iney raadiso shaqo, wixii ay doontaba ha noqotee, hase yeehsee uma aysan suura gelin iney hesho, marka ay eegtay nolosha Qoyska iyo xaaladda duruufeed ee haysata, marka ay aragtay in waxbarasho aysanu suura geli karin iyo marka ay shaqo weysay, waxey go’aansatay in ay nafta is dhaafiso.

Allaha u naxariistee, Xamda waxa ay isku xirtay qol yar oo gurigooda katirsan, waxa ay xarig ku xiratay xagga saree e qolka kadibna qoorta ayey ku xiratay, iyadoo sidaas isku daldashay, halkaana nafteyda ku weyday, Qoyska ayaa haatan wajahaya cabsi ah in Salma lafteedu ay dooneyso in ay marti waddadii ay ku baxday walaasheedii kaweyneed, weli duruuf ayaa heysata qofka oo noloshooda waa mid adag, waana tan Salma lafteegu ay u aragto in noloshan aysan wax badan ka bedeli Karin.

Aabe Xuseen Cumar oo ah Aabbaha dhalay labada Gabdhood oo Naafo ah ayaa la hadlay warbaahinta MM TV, isagoo ka warramay nolosha adag ee qoyskiisa, wuxuuna sheegay “Waxan ahay ninkan naafada ah, anigu marka hore waxa aan ku tiirsanaa xooggeyga, waxan ahay naafo oo maanan xanuunsaneyn, hase yeeshee markii dambe waan soo ciiray oo wan soo fariistay, intaa kadib waxa aan ku nooleyn caawimaad aan ka heli jiray jaarka”.

Hadda waxaan nahay intantaydii kale ee Salma iyo Aniga iyo Xaaskeygii iyo Ayeeydood, saddexdeena waalidka ah waxaan wada nahay naafo, waxaa hadda iyaduna isku buuqsan intaydii kale ee Salma, adduunyadu waa maalmo koobane, waxa aan codsaneynaa in gala garab istaago”.

283770cookie-checkSida Isku Dishay Gabar Reer Hargeysa ah & Walaasheed oo Qarka u Saaran iney…