Dib u Dhac & Khilaaf Hareeyay Xil Ka Qaadista Taliyayaal Ciidamo & Duqa Mogadishu…

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa qorshe muddo soo jiitamaayay ee ku aadan xil ka qaadista Taliyayaal Ciidamada Dowlada iyo Duqa Magaalada Mogadishu, iyadoo ay soo shaac baxaayaan khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka kuna aadan isbedelkaan..

Wararka ayaa sheegaya in xil ka qaadistaan khikaafka dhaliyay lagu heshiiyay in dib loo dhigo inta laga gunaanadaayo munasabadaha Todobaadka Xoriyada, iyadoo lagu wado in Xilalka laga qaado Taliyayaasha Ciidamada Xooga Dalka, Boliiska, Asluubta Iyo Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Mogadishu, Saraakiishaan ayaa loo saariyay Fashilka Hogaanka Villa Somalia.

Shacbiga Soomaaliyeed ayaa yaqiinsan in muddo 2-sano iyo dheeraad uu Madaxweynaha Somalia burburiyay nidaam dhismeedkii Ciidamada Qalabaka Sida, wuxuu meesha ka saaray Guutooyin isku dhaf ahaa oo Gobolada Dalka Laga soo uruuriyay, Ciidamada Xoogga Dalka u kala qeybiyay 7-Talis oo kala madax banaan Madaxtooyada hoos tagaan, isagoo sidoo kale dhisay Maleeshiyo beeleedyo, wuxuu hakiyay dagaalkii lagula jiray kooxda Shababka kuna baaqay in wada hadal la la galo.

Isbedeladaan lagu sameynaayo Talisyada Ciidamada ayaa ku soo beegmaaya xilli uu muddo hakad ku jiro dagaalka lagula jiro Kooxda argagixisada Shababka (Wajigiisa 2-aad), sababo la xiriira qorahe xumo, dhaqaale la’aan, is-maan dhaaf ka taagan dhanka Straateejiyada Dagaal gelinta iyo muduq hareeyay Saadka iyo Sahayda Ciidamada oo Qoyska Madaxweynaha qandaraasyo lagu siiyay.

333660cookie-checkDib u Dhac & Khilaaf Hareeyay Xil Ka Qaadista Taliyayaal Ciidamo & Duqa Mogadishu…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *