Maxaa Hortaagan in la Hirgeliyo Heshiiskii Dhinacyada badnaa ee Kenya & Somalia

Africa News Somalia news

Warbixino hordhac ah oo wel wel xambaarsan ayaa muujinaaya in Dowlada Kenya ay burisay heshiiskii dhinacyada badan taabanaayay oo ay la gashay Somalia, Heshiiskaan ayaa waxey qeyb ka ahaa, Amniga, Siyaasada, fududeynta isku socodka labada Bulsho, Ganacsiga iyo qodobo kale…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Inkastaoo Somalia ku jirto xaalad aad u adag, dagaalo, abaar, gaajo iyo dhaqaale xumo, ayaa warbaahinta Kenya qortey in suuqa Qaadka ee Soomaalia Kenya ay ka macaashtay 21-maalmood gudahood $8-Millions, iyadoo iska indha tirtay iney ixtiraamto Heshiiska.

Xaq ma ahan in Muwaadiniinta Djibouti & Ethiopia ay Dal ku galada Kenya ka qaataan Garoonka diyaaradaha Nairobi, halka Muwaadinka Somalia 300-US$ laga qaato muddo 21-maalmood ahna uu sugo, Kenya Muwaadiniinteeda Waxaa Visaha laga siiyaa Garoonka diyaaradaha magaalada Mogadishu.

Dowlada Federaalka Maxaa la Gudboon:-

Hadaba, Saraakiisha Dowlada waxaa looga fadhiyaa iney xal deg deg ah ka keenaan wakhti kooban gudahood xal u helida Xiisadaan ama ay deg deg u joojiyaan Qaadka Kenya kana fiirsadaan xiriirka Dalkaasi oo hal dhinac kaliyah uu ka faa’iiday.

221630cookie-checkMaxaa Hortaagan in la Hirgeliyo Heshiiskii Dhinacyada badnaa ee Kenya & Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com