Digniino Laga Soo Saaray Caqabadaha ku Gedaaman Howlgalada Xoogaga Amaanka ee Buuraleyda Puntland..

Security Somalia news

Warbixin Amaan ayaa digniino ka soo saaray Qorshaha & Abaabulka Maamulka Puntland uu ku doonaayo inuu howlgal lagu xakameynaayo isballaarinta Daacish ee degaanada Waqooyi-Bari ee Somalia, Waxaana walaac xooggan laga muujiyey awoodda ay Xoogaga Amaanka Maamulka Puntland u leeyihiin iney ka hortagaan Khatarta Daacish ee soo korortay…

Xuuraano Sirdoon ah ayaa xaqiijinaaya in Maleeshiyaadka kooxda Daacishta Somalia ay Fariisimo Maleeshiyaa ka sameysteen gudaha iyo daafaha Buurta Cal Miskaat, Fariisimadaan isku xiran ayaa muhiim u ah sida kuwa Moqoro, Dhabancaddo, Canjeel, iyo Siido, kuwaasoo dhamaantood ku teedsan togga Balade oo soo gala magaalada Boosaaso.

Dhulka buuraleyda ah ee Calmadow iyo Cal Miskaat ayaa caqabado waaweyn ku ah Howlgalada Puntland ay qorshaynayaan, taasoo adkeyneysa in Xoogaga Amaanka ay helaan goobo istiraatiiji ah, ku darsoo Xaaladaha jiilaalka, gaar ahaan laga bilaabo Novambar ilaa January, ayaa caqabad kale, maaddaama cimiladu ay caqabad ku tahay dhaqdhaqaaqa Ciidamada iyo Saadka.

Waxaa intaasi sii dheer, in Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia oo awood u sheegtay kana saartay Kooxda Shababka Buurta Cal-miskaad, ayaa waxay dhistay Wadooyin isku xira Fariisimadooda oo ay ka mid yihiin Gargoore oo u dhow badweynta Hindiya, Hantaara, togga Xabley, iyo Tuulada Tasjiic.

351910cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Caqabadaha ku Gedaaman Howlgalada Xoogaga Amaanka ee Buuraleyda Puntland..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *