Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibeda oo lagu Eedeeyey inuu si Khaldan uga faa’iideystey Magacaabid la’aanta Wasiirka Wasaaradda..

Somalia news

Ku simaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowlada Federaalka Cali Cumar Balcad ayaa lagu eedeeyey inuu si khaldan u isticmaalayo awooda Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uu ka yahay ku-sime kadib markii uu 20 qof oo diblomaasiyiin ah oo isku hayb ah si ka baxsan Sharciga uu shaqada uga Eeyay isla markaasna uu boosaskoodi ku buuxiyey kuwo kale oo u badan qaraabadiisa…

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin qabyo-qoraal ah, ahna Kalsooni-kala noqosho Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, Guddigaan waxay Cali Balcad ku eedeeyeen Musuq-maasuq baahsan iyo kutagrifal awoodeed oo ay ka mid tahay inuu Wasiiru Dowlaha si cad ugu tuntay sharciga shaqada dibada iyo xuquuqda Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Diblomaasiyiinta uu ku xadgudbey Mr.Cali Balcad ay ku kala sugan Dalalka, Turkiga, Switzerland, Kuweyt, Qatar, Shiinaha, Boqortooyada Sucuudiga iyo Dalal kale, inkastoo sida Sharcigu qabo ay aheyd in Wasiir kuxigeenku uu sii hayo Xilka hadana waxaa marqaati ma doonto ah in Xasan Sheekh uu baal maray Nidaamka iyo kala dambeynta u degsan Hanaanka Dowlada Federaalka.

315820cookie-checkWasiiru Dowlaha Arrimaha Dibeda oo lagu Eedeeyey inuu si Khaldan uga faa’iideystey Magacaabid la’aanta Wasiirka Wasaaradda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com