Digniino Loo Jeediyay Ganacsatada Iyo Waalidiinta

Politics

Qoraal kasoo baxay Xoogaga amaanka ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa amaro la dul dhigay ganacsatada iyo waalidiinta ku nool Degaanada Maamul-goboleedka asi, iyagoo loogu baaqay inay ka fogaadaan wax-yaabaha hubka loo ekeysiiyay oo maalmaha Ciida carruurta lagu ciyaarsiiyo….

Madaxa Amaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa tilmaamay in ciddii awaamiirtaasi jebisa ay mudan doonto in la hor-istaajiyo sharciga islamarkaana la xiri doono.

G/dhexe Mukhtaar Ibraahim taliyaha booliska Baydhabo waxa uu tilmaamay in ammarkaan looga gol leeyahay xasilinta ammaanka iyo tarbiyada ilmaha oo haddii agabkaasi magaalada uu soo galo labadaba saameyn uu ku yeelan karo.

Soomaaliya, xilliyada ciidaha waxaa carruurta loo iibiyaa agab lagu ciyaarsiiyo oo loo ekeysiiyo hubka sida bastooladaha iyo qorayaha boobayaasha ah, laakiin Magaalada Baydhabo ayaa hadda si cad ka ganacsiga agabkaasi looga xaaraantinimeeyay.

32060cookie-checkDigniino Loo Jeediyay Ganacsatada Iyo Waalidiinta