Eedeymo Sad-buursi ku Dhisan Oo loo Jeediyay Wasaarada Howlaha guud ee Puntland

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan iyo muran uu hareeyay Howlaha & Adeegyada Notaayooyinka ka howlgala degaanada Puntland, kadib markii Wasaaraha Howlaha guud ay ansixisay tiro yar oo Xafiisyadaasi ayna u oggolaatay iney ka Howlgalaan Degaanada Puntland…

Sida u qabo Sharciga Nootaayooyinka ee Puntland wuxuu awoodda buxinta shatiyada iyo kor kala socodka nootaayooyinka siinayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa sheegtay in nootaayooyinka loo qabtay tartan ka hor inta aan lix laga soo xulanin.

Iyadoo dhowr toddobaad kaddib markii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Puntland ay si sharcidarro ah ugu xulatay 6-notaayo bixinta adeegyo sharciyeed, waxay Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland soo saartay xog ku saabsan nootaayooyinka shatigu ka dhacay iyo kuwa shati haysta laakiin aan shaqaynin.

Go’aanka Wasaaradda Hawlaha Guud waxay dhowr qareen ku tilmaameen “qorshe loogu sadburinayo nootaayooyin ay mas’uuliyiin xil Puntland ka haya ay saamiyo ku leeyihiin, “Waa in la waafajiyo Sharciga Nootaayooyinka Puntland iyo sharciga qareennada ururkooda uu dejiyay dhowrista xirfadlenimada” ayuu qareenku ku daray.

202290cookie-checkEedeymo Sad-buursi ku Dhisan Oo loo Jeediyay Wasaarada Howlaha guud ee Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com