Diyaarad Duqeyn ka Geystay Degaan hoostaga Degmada Qandala kana Dhashay Dhimasho & Dhaawacyo..

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad nooca Drones-ka lagana leeyahay Dalka Mareykanka ayaa xalay fiidkii ay duqeyn ka geystay Degaanka Sixna oo ka tirsan degmada Qandala ee Gobolka Bari (Puntland), waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Qoys halkaasi degenaa..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo aan weli la aqoonsan duqeynta la beegsadeen qoyskaan Soomaaliyeed isla markaana ay geeriyoodeen Laba haween ah halka ay dhaawacyo qabaan 11-Xubnood oo Qoyska kamid ah, iyadoo laba Haweenka ah magacyadooda lagu sheegay Xaawo Axmed Saalax iyo Ladan Ismaaciil Muumin.

Qoyska duqeyna lala beegsaday oo lagu magacaabo Reer Yuusuf Maxamuud Saalax, waxaana qoyska la duqeeyay ay degan yihiin meel oodan oo aan baabuur lagu tegi karin sidoo kalena magaalo ka dhaweyn waxaana la sheegay in dhaawacyadu u baahan yihiim gurmad deg deg ah balse aysan weli helin.

358510cookie-checkDiyaarad Duqeyn ka Geystay Degaan hoostaga Degmada Qandala kana Dhashay Dhimasho & Dhaawacyo..