Deni Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia

Somalia news

Warar hordhaca ah oo laga helay magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu xalay kaga dhawaaqay inuu yahay Musharrax Madaxweynaha DFS, kaddib khudbad uu ka jeediyay xaflad ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanada cusub taasoo ka dhacday Madaxtooyada Puntland ee Garoowe…

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan kaga dhawaaqay munaasabad casho ah oo uu xalay u sameeyay Xildhibaannada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna ugu baaqay musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha iney iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale warar ayaa sheegaya inuu Mr.Deni uu qorsheystay inuu safar ku tago Dalka UAE si uu dhaqaale uga soo qaato, Ilo wareedyo ayaa sheegay inuu ka soo qaadan doono 10-millions US$ oo dhaqaale uu ku oggolaaday inuu ku wareejiyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

176410cookie-checkDeni Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia